
GCompris ("J’ai compris", "Waan fahmay" afka Faransiiska) waa barnaamij kombuyuutar oo loogutalagalay caruurta da’dooda u dhaxayso 2 ilaa 10-sano.
Shaqooyinka qaarkood waxay u muuqdaan kuwo ciyaarkeliya ah, lakiin shaqowalba waxaa lagaleeyahay muraad waxbarasho.
Qaybaha uu barnaamijka ka koobanyahay waxaa ka mid ah:
fahamka kumpuyuutarka: alwaaxa-furayaasha, dooliga, isticmaalka dooliga
aljebra: Iskudar, jadwalayn, Ciyaar-xasuus
saynis: Isticmaalka biyoxireenka, biyowareega, Markabka-gujiska
juquraafi: Wadamada iyo qaaradaha oo qariirad ku yaala
ciyaaro: jees, ciyaar-xasuuseed
aqrinta: tababarka aqriska
iskuqas: saacad, midibeyn, sawirid layman
Mudada hada la’joogo GCompris wuxuu ka koobmaa ilaa inkabada 100 shaqo, horumarintiisa wey socotaa. GCompris waa barnaamij lacagla’aan ah. Waxaad kabadelikartaa wixii aad rabto waadna ka caawinkartaa sidii loo horumarinlahaa. Ugudambeyntii maxaa kuu diidaaya in aad la’qaybsato caruurta aduunka oo dhan.
Qore: M.I. Mursal